kula jirtay Itoobiya.
Duulaankii Soomaaliya ay ku qaadday gobolka Ogaden (Soomaali Galbeed) wuxuu noqday dhaan-dabangaale la gaari waayay.
Balse taas oo kaliya ma aysan horseedin jabka sida uu qabo Cali Cabdulle Fiixiye (Cali Shucaac) oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii jabhadda Soomaali Galbeed. "Ciidanka waxaa ku jiray rag inqilaab maleegayay," ayuu yiri.
"Anagiibaa nala qabqabtay, madaxdeenii jabhadda Soomaali Galbeed. Ciidankii jabhadda ahaana waa la qeybiyay, reer-reer baa loo kala saaray, ciidanka xoogga laftiisii ayaa sii qeybsamay, dharbaaxo xun baa nagu dhacday. Xaggana xabashibaa na garaacaysay, dhanka kalena ciidankii xoogga dalka ayaa la jalaafaynayay", ayuu hadalka ku sii daray.
"Niman aan raali ka ahayn in waddanka la qabto oo saraakiil Soomaali ah ayaa ragga leynayay, xirxirayay. Rasaas markaan weeydiisano biyo ayay na siinayeen, marka aan biyo weeydiisanana rasaas ayay inoo keenayeen", Ayuu yiri Cali Shucaac.
0 Comments