Hal tacshiirad oo ka dhacday gobolka Sool ayaa gilgishay guud ahaan geyiga Soomaalida, waxayna afgembi u riddey xukunkii rayidka ahaa ee dalka ka jiray.
Axmed Cabdi Laangare wuxuu ahaa ku xigeenka duqa magaalada Laas Caanood xilliga madaxweynaha la dilayay 16-kii bishii October ee sannadkii 1969-kii, wuxuuna arkayay sidii ay wax u dhaceen.
Axmed waxa uu sheegay in ay horeyba ay usii jirtay hadal-haynta in madaxweynaha lagu dili karo Laascaanood, wuxuuna yiri: "Markii uu soo dagay, dadkii soo dhoweynayayna uu salaamay, markii odayaashii uu la kulmay, waxaa la weeydiiyay, 'Cabdirishiidoow ma waxaa lagugu yiri Laascaanood baa lagugu dilayaa?', wuxuuna ku jawaabay, 'Illaahbaa wax dila, haddii ay taydii tahay, nin kalaa i badelaya".
Axmed Laangare oo hadda nool ayaa sidoo kale sharaxay qaabkii uu dilka u dhacay, wuxuuna yiri: "Markii aan soo aadnay dhankii gurigii martida, askariga waxa uu taagnaa albaabka guriga, markii madaxweynaha uu gaariga ka soo dagay ayuu rasaasta ku furey. Askari madaxweynaha la socday ayaa qoriga kula dhagay, wuxuuna ninkii ku qeyliyay weey igaga fakatay, weey igaga fakatay".
"Kaliya madaxweynaha lama dilin, ee sidoo kale waxa ay u egtahay in xitaa la tirtiray raadkii dambigii weynaa ee dhacay", sida uu ku doodayo Dr Saadaq Eenoow oo qoraalo taariikheed ka sameeyay dilkii madaxweynaha.
Wuxuu sheegay in saddex nin oo mid xeer illaaliyihii guud yahay, Garyaqaan Cabdi Faarax Baashane, nin booliis ah, Gaashaanle Xirsi Cusmaan Keenadiid iyo nin ka tirsanaa laantii dabagalka dambiyada xilligaas ee Gaashaanle Dhexe Faarax Sugule, in raggaas labo ka mid ah siyaabo kala duwan oo shaki leh ay u dhinteen, midna uu xabsiga ku raagay muddo dheer.
0 Comments