Latest Article

6/recent/ticker-posts

Xoriyad Somalia 1960

 xuriyadda ee 1960-kii


Waxaa aad looga sheekeeyaa halgankii laga soo maray xornimada, balse weli maka fakartay kii loo galay in dhidibada loo aaso, lana xajisto madaxbannaanidii la heley iyo ka shaqaysiinta nidaamka dowladnimo.


Halganka xornimada doonka kaliya ma ahan in ay gumeystayaashii dalka ka tagaan, ee wuxuu ahaa in la yagleelo dowladnimo mug leh oo wax ka badesha nolosha shacab weynaha.


Lixdankii sanno ee ay Soomaaliya xornimada haysatay waxaa hayaanka geediga hadba caynaanka u dhuujinayay ama u dabcinayay dhacdooyin waaweyn, oo aan ka xusi karno lix saamayntooda kaliya aanan taariikhda ku xardhanayn ee sidoo kale yeeshay raadad aanan ka tirmi doonin nolosha jiilal badan.


1. Dilkii madaxweyne Cabdirashid iyo Curashadii kacaanka

Sagaal sano oo kaliya ka dib xoriyaddii, markii ay Soomaaliya ku naaloonaysay xasilooni siyaasadeed oo ku dhisan nidaam dimoqoraadi ah oo sanduuqa lagu kala boxo, waxaa dhacay wax lama filaan ah, kaas oo ah dilkii magaalada Laascaano loogu geystay madaxweynihii Soomaaliya Cabdirishiid Cali Sharma'arke.

Post a Comment

0 Comments