Koox saraakiil ciidan ah oo malaha eeganayay xukunka, ayaa ka faa'ideystay dilka qaarijinta ah, waxayna si aan dhiig ku daadan kula wareegeen hoggaankii dalka. Taas oo ahayd dhacdo kale oo ku sidkan dilka madaxweynaha, balse yeelatay raad muddo dheer sii jiraya oo saameeyay jiritaanka dalnimo ee Soomaaliya.
Hase yeeshee, Jeneraal Maxamed Nuur Galaal wuxuu qabaa in Maxamed Siyaad Barre uu "sii qorsheynayay afgembiga", islamarkaana isaga qudhiisa ay arrintaas isku qabteen, ka dibna Baydhabo loo badeley si ciqaab ah.
Shan arrimood oo aadan ka ogeyn 60-guurada xorriyaddii Soomaaliya
Shan marxaladood oo uu soo maray calanka Soomaaliya
Afar arrimood oo lagu xusuusto Dowladdii Kacaankii Siyaad Bare
Ciidamada oo ka mid ah tiirarka uu dal ku taagyahay, kuwaas oo ka difaacayay dhul, badda iyo hawadaba, ayaysan ciddina u qaadan in 'dalka waddo qaldan ku hoggaamin doonaan', sidaas daraadeedna waxay heleen taageero aad u xoog badan, iyada oo 10-kii sanno ee ugu horeeyey xukunka ciidanka uu ahaa mid hagaagsan intiisa badan, horumar culusna gaaray.
2. Qoristii Far-Soomaaliga
Mid ka mid ah guulihii ugu weynayd ee dhidibada u aastay dowladnimo Soomaaliyeed oo dhuuxa iyo xididada u dhaadhacday ayaa ahayd markii dowladdii kacaankii ay ku dhaqaaqday tallaabo horey loo arag oo ahayd in la qoro farta, laguna baahiyo dalka sannadkii 1974-tii.
0 Comments